Guddoomiyaha Bangiga Dhexe: 60 Milyan oo Dollar ayaa Ku Baxaysa Daabicista Lacag Cusub

Published: February 12, 2017

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in sanadkan gudihiisa la daabici doono lacag cusub oo Shiling Somali ah markii u horrasay uddo 27 sanno ah.

wuxuu sheegay in laga gudbay Caqabado dibu dhigay daabicida lacagta oo ay ugu weynd dhinac Farsamada iyo lacagihii lagu daabici lahaa lacagta Cusub oo aan markii hore bangigu uusan hayn,waxaa kaloo uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku bixi doontaa daabicsata lacagta cusub, wuxuuna xusay in beesha caalamku ay ka taageeri doonto soomaaliya daabicida lacagta cusub.

Caadiyan bangigu wuxuu bedelaa lacag isagu uu daabacay, madaama uusan bangigu lacag daabicin, dadkuna aysan lacag kale haysan oo aan ahayn tii beenta ahayd, markaa lama inkiri karo ee waa in lacagtii laga bedelaa” ayuu yiri guddoomiyaha bangiga dhexe.

” waxaa la qiyaasayaa marka la isku dardaro lacagahaasi inay gaarayaan 60 milyan oo dollar, waa lacag badan, qolooyinkan deeq bixiyayaashuna waxay leeyihiin waa la bixinayaa, waxay yiraahdaan habkii iyo nidaamkii aad ku bedeli lahaydeen diyaariya”

guddoomiyhu wuxuu kaloo sheegay in muddo afar bilood ah ay qaadan doonto in la daabaco lacagta marka la helo 60ka milyan ee dollar, waxaa kaloo uu sheegay in dalka dibadiisa u direen 18 qof oo ka socda bangiga dhexe, hay`adaha lacagta ee dowladda federaalka iyo hay`adaha nabadsugida ee wax kontoroola.

Gees kale, toddobaadkan suuqyada muqdisho waxaa sare u kacay qiimaha sarifka lacagta shiling Soomaaliya taas oo gaartay 1dollar lagu sarifto 14 ilaa 15 kun oo shiling oo Soomaali ah, halka markii horana ahaa 22 kun halkii dollar.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *