Guddoomiyaha degmada Yeed oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaaladii ka dhacay Bakool iyo xadka

Published: July 23, 2022
Shares796

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool Cabdisalaan Duwane Cumar oo ka hadlay dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaankaasi ayaa sheegay in ku dhawaad 72 saacadod ay dagaal isku hor fadhiyaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiye Duwane ayaa sheegay in dagaaladii dhacay maalmahii lasoo dhaafay ay sababeen dhimasho, dhaawac farabadan iyo cabsi lasoo deristay dadka deegaanka oo xaaladdooda is badeshay kadib markii dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka.

Waxuu intaasi ku daray guddoomiyaha deegaanka Yeed iney ka go’an tahay soo afjarida dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab oo wali ku sugan meelo aanan ka fogeyn deegaanka Yeed ee gobolka Bakool.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha deegaanka Yeed in qorshaha ugu weyn Al-shabaab ay usoo wareerareen deegaanka uu ahaa sidii ay ugu sii gudbi lahayeen gudaha deegaanada dowlad deegaanka Itoobiya.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha deegaanka Yeed ayaa kusoo beegmaya xili Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Booliiska ay labada dhinacba guulo ka kala sheegteen dagaaladii dhexmaray saacadahii lasoo dhaafay, waxaana wali jirta cabsi kale oo laga qabo inuu dib u qarxo dagaal kale oo dhexmara labada dhinac oo aanan wali ka kala fogeyn meelahii ay ku dagaalameen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *