Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo iska casilay xubinimadda Guddi uu kamid ahaa

Published: December 13, 2022
Shares36

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaciyay inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidamada dib  u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Cali Jeyte ayuu ku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada amniga, xasiloonidda gobalka Hiiraan iyo dardargalinta howlgalada baaxada leh ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale qoraalka waxa uu ku sheegay in xubinnimadii guddiga uu isaga casilay kadib markuu arkay in guddiga Maaliyada iyo taakuleynta ciidanka dib u xureynta gobolka Hiiraan aysan diyaar u aheyn wax ka qabashada howlahii loo igmaday.

Iscasilaada Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo gobolkaasi ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media