Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta

Published: August 24, 2018

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa soo dhawayn u sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasi oo ka dhacday magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka.

Munaasabadda ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen marti sharaf aad u qiima badan oo isugu jiray Xildhibaanno, Siyaasiyiin, safiirka iyo qunsuklka Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi

Munaasabada soo dhawaynta qudbadihii halkaasi laga soo jeediyay waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda iyo qaabka wanaagsan ee ay u shaqaynayso, iyadoo sidoo kale aad loo amaanay ammaanka Gobolka Banaadir

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen dhamaantood in la garab istaago dowladda si loo helo wada shaqayn waarta.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *