Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka-Sawiro

Published: January 30, 2018

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Caraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo ku-xigeenadiisa ayaa kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la yeeshay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Benaadir. Waxuna ku dhiirageliyey inay sii xoojiyaan u adeegidda dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Mudane Yarisow ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay isbarasho iyo kala warqaadasho, isagoona ugu baaqay guddoomiyaasha degmooyinka in la dar-dargeliyo shaqada. Isla markaana wax isbadal deg-deg ah uusan jiri doonin.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada aad u haysaan dalkiina iyo dadkiina, anaguna diyaar baan idiinla nahay wixii aad u baahan tihiin, qof walba waa inuu qaataa masuuliyaddiisa xilna iska saaraa horumarinta caasimadda. Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu-san jiri doonin wax isbeddal deg deg ah, qof walbana laga rabo inuu sii xoojiyaa shaqada uu hayo”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yariisow.

Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday wax-qabadka degmooyinka mudadii ay joogeen iyo sida ay uga go`an tahay in la sameeyo adeeg shaqo oo baahi tira dadka degan degmooyinka gobolka Benaadir.

DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *