Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in la xiray ciidan ku lug lahaa shaqaaqo ka dhacday Muqdisho

Published: February 28, 2023
Shares18

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la xiray ciidan ku lug lahaa shaqaaqo xalay ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen toddoba qof.

Shaqaaqadaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax, iyadoo dadka dhintay badankood ay ahaayeen shacab.

Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in la xiray dhammaan ciidankoo joogay barta kontorool, islamarkaana sharciga la horkeeni doono, isaga oo ballan-qaaday in dhibbanayaasha ay caddaalad heli doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kiiska lagu wareejiyey CID iyo Maxkamadda Ciidamada si baaritaan loogu sameeyo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay xal waara u helaan iska horimaadyada ciidamada dowladda ku dhexmara baraha kontorool ee caasimadda.

Horseed Media