Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

3 February, 2018

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la…

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas`uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Labada mas`uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go`antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *