Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo gaaray magalada Baraawe

Published: May 30, 2023
Shares2

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Baraawe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Maamulka Gobolka, Ururka Haweenka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan bulshada qeybaheeda kala gedisan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la kulmo la qaadan doonna Maamulka Degmada Baraawe, Saraakiisha Ciidanka & xubno ka socda qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xanbaarsan in laga tashto qorshaha doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed maadaama Cali Saciid Faqi uu noqday Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

Horseed Media