Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo shir uga qeyb galaya dalka Ciraaq

Published: February 24, 2023
Shares64

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha iyo wefdigiis waxaa garoonka diyaaradaha ee Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta.

Gudoomiyaha iyo wefdiga la socday oo loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Horseed Media