Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Safiirka Qatar Oo Ka Wada Hadlay Aqoon Kororsiga Xildhibaanada BFS

Published: February 27, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Horseed Media