Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u magacaabay xaaladda ka taagan tahay Laascaanood

Published: January 3, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Aadan Madobe ayaa ka kooban ilaa 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddigaan iney kasoo tala bixiyaan xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaana si gaar ah loo faray guddigan in warbixin dhameystiran ka keenaan dadka ku dhintay shaqaaqooyinka iyo kuwa dhaawacmay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray guddigaan inay deg deg ku howlgalaan, islamarkaana guddiga ay dib ugu soo celiyaan natiijada kasoo baxdo xog baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.