Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo la kulmay Madaxa Hay’adda King Salmaan ee Qaaradda Afrika

Published: September 9, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda King Salmaan faraceeda Afrika Yaziid xamuud cabddala.

Kulankaan waxaa looga hadlay dardargalinta mashaariicda la soo ogolaaday ee labada hay’addod kawada hadleen, dabagalka kuwii hore kuwaas oo dhammaantood iskugu jira gargaarka degdega ah , soo kabashada, u adkaysiga aafooyinka iyo mashaariicda xalalka waara.

Mashaariicdaas waxaa dowlada Sucuudiga horay uga dalbaday hay’adda SoDMA waxaana laysla afgartay in si deg deg ah loo fuliyo, kulankaan waxaa guddoomiyaha ku wehliyey lataliyaha Ra’iisulwasaaraha ee dhanka Carabta iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan SoDMA.

Horseed Media