Guddoomiyaha mamaulka SSC-Khaatumo oo ka warbixiyey guushii maamulkiisu gaarey -DHEGAYSO

Published: August 27, 2023

Guddoomiyaha maamulka SSC-Khaatuma Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa ka hadlay dagaalkii jimacadii ee looga guuleystey Somalland, maxaabiista la qabtey, fariina u direy Muuse Biixi.

Cabduqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dagaalkii socdey muadada 8 bilood ah jab xoogan ku gaarsiiyeen Somaliland, waxaa ciidankaas lagu sameeyey dab-ka-dhigis ma jirto magac kale oo aan ugu yeedhi karno ayuu yiri, Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in ay isbitaalada ku hayaan 42 maxbuus oo qaba dhaawacyo kala geddisan, Xabsiga laascaanood waxa la geeeyey 218 maxbuus oo ay ku jiraan saraakiil sarsare sida uu sheegay Guddoomiyaha maamulka SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha SSC ayaa sheegay in maxaabiista si wanaagsan ula dhaqmi doonaan kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo ku eedeysan dembiyo dagaal, waxaan xakameyney caradii aan qabney, waxaana ballan qaadeynaa in si wanaagsan loola dhaqmi doono.

Guddoomiyaha SSC Cabdulqaadir Axmed Aw-cali ayaa fariin u direy Muuse Biixi, waxaana uu yiri, Waxaa muuqata in Muuse weli colaad hurinaayo, waxaa lagugu sameeyey hubka dhigis, haddii aad mar kale isku daydo in aad waxyeelo la soo aado dadkaan, kuwii hubka dhigista kugu sameeyey waa joogaan waana ku soo dhaweynaan.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa u mahadceliyey dhamaan cidkasta oo garab istaagtey shacabka SSC oo ay ugu horeeyaan Dowladda Puntland iyo shacabkeeda Dowaldda federaalka ah iyo dhamaan cidkasta oo qayb ka ahayd halgankan ayuu yiri.

Horseed Media