Guddoomiyaha xisbiga Shaqaalaha oo Afhayeenka baarlamaanka Puntland eedeeyey

Published: September 5, 2023
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka shaqaalaha

Guddoomyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Punland Cabdrashiid Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn culus u jeediyey Afhayenka Golaha wakiilada ee Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana uu ku eedeeyey in uu faragashtey hawlaha Xisbiga isla markaana uu isagu maacaabey xubinta PEC.

Labadan nin oo horey uga wada yimid dalka Denmark ayaa ahaa saaxiibo kuwaas oo hadda u muuqda kuwo kala fogaadey.

Guddoomyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Punland Cabdrashiid Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn culus u jeediyey Afhayenka Golaha wakiilada ee Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana uu ku eedeeyey in uu faragashtey hawlaha Xisbiga isla markaana uu isagu maacaabey xubinta PEC.

Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ayaa sheegay in Abwaan Cabdirashiid afhayeenka baarlamaanku ka codsadey in u magacaabo gabar ay ehel yihiin. Arrintaas waan diidey waxaana magacaabey ayuu yiri Cabdikaafi Xasan Jaamac.

Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ayaa sheegay in maanta oo Salaasa ah uu Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil doonaayo in uu ansixiyo gabadh aanan anigu magacaabin ee isagu keensadey.

Xisbiga Shaqaalaha horey waxaa u hareeyey khilaaf joogto ah, doorashadii Puntland waxa uu ka helay 3 000 oo cod oo keliya waxaana uu sidaas ku noqdey Xisbi Siyaasadeed, kadib markii shuruucdii iyo dastuurkii loo dhigay si ka duwan sidii doorashada lagu galay.

Horseed Media