Guddoomiye Abdifitaax Sugule: Meel wanaagsan ayuu marayaa Dhismaha Wadada Garoowe – Gaalkacyo

Published: January 27, 2024

Dr.Abdifitaax Maxamed Sugule Guddoomiyaha Hay.adda Waddooyinka Puntland oo la hadley Warbaahinta Qaranka Ee Radiomuqdisho ayaa sheegey in dowladda Puntland ay waddo Mashaaricyo badan oo ah horumarinta kaabayaasha oo lagu horumarinayo laguna Dhisayo Waddooyinka deegaanada Puntland.

“Waxaa hadda Si wanaagsan Inoogu socda Dhigista Laamiga wadada garoowe-gaalkacyo gaar ahaan inta isku xirta birta dheer Iyo Kalabayr” ayuu yiri Guddoomiye abdifitaah Sugule.

Mashruucan horumarinta waddooyinka ayaa waxaa maalgalinaya Puntlnad, iyadoona ay fulineyso Shirkadda Kebarco.