Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiiladda Puntland, Maxamed Baarri Shire ayaa ka hadlay weerarkii saaka kooxda argagixisada ee Daacish kusoo qaaday deegaanka Dharjaale ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Guddoomiye Baarri oo waraysi siiyey idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ciidanka dowladdu soo afjareen raggii weerarka kusoo qaaday, kuwaas oo u badnaa ajaaniib dalal shisheeye kasoo jeeda.
” Gawaari qaraxyo ah oo daciifnimo ah bay soo qaadeen niman ajaaniib ah oo shisheeye ah oo meelo daran laga soo xawilay, hadda si caadi ayaanu deegaankayaga iyo dalkayaga u haysanaa, ciidankuna waa sii socdeen iyagii baana lagu daba jiraa, waana lasoo ciribtirayaa haddii rabi idmo” ayuu yiri; Guddoomiye Baarri oo ku sugan Dharjaale.
Sidoo kale, Guddoomiye Baarri ayaa sheegay in weerarkaasi dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo isugu jira dumar iyo caruur.
” Shacab dadka darisyada ahaa ee qaraxyada nala beegsadeen dumaro iyo ciyaal wax ku noqday waa jiraan, sababtoo ah waa dad deegaan ah oo guryahoodii jooga baan ahayn, gawaari bay ciidamada kusoo weerareen weyna iska difaaceen” ayuu yiri Guddoomiye Baarri.
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa kamid ah masuuliyiinta ku sugan deegaanka Dharjaale ee degmada Iskushuban, si ay u dhiirigeliyaan ciidamada difaaca Puntland.
Horseed Media