Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo La Kulmay Safiirka Cusub Ee UK

Published: March 13, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Kulanka ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka Ingiriiska uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjire Kate Foster ayaa diirada saaray sida lagu xalin karo caqabadaha hortaagan doorashada Soomaaliya oo ay ku muransan yihiin maamul goboleed, dowlada federaalka iyo midowga Musharaxiinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *