Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ku-xigeenka Wakiilka QM

Published: December 16, 2023

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Qaramada Midoobay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dadaalka dheeriga ah ee ay Marwo Kiki Soomaaliya la garab taagnayd intii ay xafiiska UNSOM joogtay.

Kulanka, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Hab-dhowraha Aqalka Sare, Marwo Samsam Ibraahim Cali iyo Xoghayaha Guud Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed..

Horseed Media