Guddoomiye Cali Jayte oo Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay howlgallada ka socda Hiiraan

Published: November 16, 2022

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa manta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte wuxuu guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab  oo uu ku hoggaamiyay shacabka dhiifoon ee Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Horseed Media