Guddoomiye Filish Oo La Kulmay Guddoonada Degmooyinka Gobolka Banaadir

Published: August 6, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir-gudoomiyay shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Aminiga.

Kulankaan oo looga hadlay daradrgelinta Amniga iyo saameynta roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sida loo mareen lahaa waddooyinka xiran ee ay roobabku saameeyeen, si dib loogu soo celiyo bilicdii Caasimadda.

Guddoomiye Cumar ayaa Waaxda Nadaafadda dowladda Hoose ee Xamar ku booriyay inay labo jibaaraan howlaha ay ku maareynayaan saameynta roobku uu ku yeeshay qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, waxaana uu faray guddoomiyeyaasha degmooyinka inay Waaxda Nadaafadda gacan ku siiyaan waajibaadka loo igmaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *