Guddoomiyaha Golaha Shacabka Madoobe oo u ambabaxay dalka Talyaaniga

8 October, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.