Guddoomiye Jawaari: Kama Qaybgalin Kullankii Khadka Telefoonka ee Madasha Qaran.

Published: January 14, 2017

Guddoomiyaha loo doortay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Max`ed Cismaan Jawaari ayaa beeniyay in uu khadka talleefoonka kaga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha, wuxuuna ku tilmaamay madasha mid waqtigeedii dhammaaday, sharcina aan ahayn.

Qoraal kooban oo uu dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku sheegay inuusan ka qayb galin shirkii telefoon ee hoggaamiyayaashu madashu ay kaga hadlayeen xiisada siyaasadeed ee ka taagaan Galmudug

wuxuu sheegay in xiligan aysan jirin wax loogu yeero Madasha hogaamiyayaasha qaranku, sharci iyo dastuurna aysan ahayn.

Qoraal kasoo baxay xafiisa warfaafinta ee Villa Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxda Madasha Qaran ay xiriir khadka telefoonka ah oo ay yeesheen 11-12 bishan January ay ku go`aansadeen inay ka soo horjeestaan go`aankii xildhibaanada Galmudug xilka uga qaadeen Cabdikariim Guuleed Madaxweynihii KMG ahaa ee maamulka Galmudug.

Gabagabadii,Sida lagu xusay Warsaxafadeedka ka soo baxay Madaxtooyadda, kullanka hoggaamiyayaasha madasha qaran wuxuu dhacay 11-12 bishan january oo ku beegnayd doorashadii guddoomiyaha iyo labada guddoomiye Ku/xigeen ee Barlamaanka federaalka soomaaliya, wuxuuna hadalka guddoomiyuhu uu dhabar jab weyn ku yahay dadaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku doonayo inuu ku badbaadiyo madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *