Guddoomiye ku-xigeenka MAP oo kulan la qaatay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

7 November, 2024

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yasin Sheekh ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey…

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yasin Sheekh ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Gudoomiye ku-xigeenka ururka warbaahinta Puntland ee MAP ahna Agaasimaha SBC Radio/TV, Maxamed Deeq Cabdalla.

Maareeye Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ugu warbixiyey Maxamed Deeq Guddoomiye ku-xigeenka MAP shaqada muhiimka ah ee ay hay’adda qabato, gaar ahaan bixinta laysamada shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta, oo ay ku jiraan idaacadaha, telefishinnada, shirkadaha internet-ka, iyo adeegyada fiber-ka. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida ay u maamulaan Domain-ka ee loo aqaan TLD sida (.SO) iyo qorsheyaasha ay hay’adda mustaqbalka ka leedahay horumarinta isgaarsiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka MAP ahna Agaasimaha SBC ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay caqabadaha ay warbaahinta ka qabaan helitaanka website-yada ku dhisan domainka TLD-ga .SO, wuxuuna soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in warbaahinta iyo shirkadaha isgaarsiintu ay fahmaan shuruucda iyo nidaamyada ku xeeran adeegyada isgaarsiinta si loo ilaaliyo sharciga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa fahamka warbaahinta ee ku saabsan muhiimadda ay leedahay helitaanka laysamada iyo kala dambeynta isgaarsiinta, si loo hormariyo adeega warbaahinta iyo badbaadada bulshada.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa haysa shaqo muhiim ah oo la xiriirta nidaaminta iyo ilaalinta adeegyada isgaarsiinta dalka, taas oo ay ku jirto bixinta laysamada iyo hubinta adeegyadu inay u socdaan si waafaqsan shuruucda dalka.