Guddoomiye Mursal iyo safiirka Turkiga oo ka wadahadlay doorashooyinka

Published: December 24, 2019

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa xalay  hoygiisa ku casuumey safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkey mudane Mehmet Yilmaz,

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka laba dal iyo arimaha doorashooyinka.

Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya   Mehmet Yilmaz ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Mursal soo dhaweynta uu u sameeyey,isaga oo sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba garab taagnaan doonto Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *