Guddoomiye Mursal Oo Magacaabay Guddi Qiimeeya Saamaynta COVID19 Ee Dalka

Published: November 14, 2020

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo soo qiimeeya saamaynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabidda guddigaan ku soo aadayso waqti uu gabagabo marayo muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saamaynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay u soo gudbiyaan golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas laga helay oo gaarayay kumanaan ruux, waxaana u dhintay dad boqol ku dhow.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *