Guddoomiye Mursal Oo Sheegay Inuu Baarlamaanku Sii Shaqnayo Inta Laga Bedelayo

Published: December 12, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay inuu sii shaqayn doono baarlamaanka 10aad, inta laga soo dooranayo baarlamaankii bedeli lahaa.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay Kulanka 7-aad Kalfadhiga 8-aad ee golaha shacabka Soomaaliya oo ay kasoo, qeybgaleen in ka badan 140 Xildhibaan.

Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay yeelan wax kulan ah, xili guddoomiye Mursal sheegay in la dardar-gelinayo kulamada golaha, maadaama ay uu waqtigoodu ku egyahay xiligii la dhaariyey oo ah 27-kii December 2016, iyagoo ka cararaya inuu yimaado firaaq dastuuri ah, waa siduu sheegay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *