Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir gudoomiyey Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3-aad ee Labada Gole ee BJFS

Published: December 6, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadn Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehlinayo ku-xigeennada Aqalka Sare ee Baarlamanka JFS ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3-aad ee Labada Gole ee BJFS.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 1-aad ee warbixinta iyo Xisaab xirka sanad-maaliyadeedka ku dhamaaday December 31-ka 2022, iyo akhrinta 1-aad ee Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo mid mid uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannaada ayaa faafahin ka bixiyay xisaab xirka miisaaniyadii sanadkii tagey ee 2022-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo gabagabeeyay kulanka maanta ee Labada Aqal, ayaa sheegay in Xildhibaanno ka kooban 152 Mudane Golaha Shacabka ah iyo 13 Mudane oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay Guddoonka u soo gudbiyen mooshin wax ka bedelka Miisaaniyada 2024-ka. Waxaana lagu wareejiyay Guddiga Odoroska Maaliyadda ee Labada Aqal.