Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo xilka Ku Wareejiyey Kuxigeenkiisii

Published: March 6, 2024

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Fu’aad Adeer oo uu weheliyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Axmed Maxamuud Cumar ayaa maanta shir Guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Doorashadu.

Kulankaan ayaa ajendihiisu ahaa xil-wareejinta guddoomiyahii hore ee Guddiga Fu’aad Abshir Axmed oo si kumeelgaar ah ugu wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Axmed Maxamuud Cumar.

Guddoomiyihii hore ayaa u rajeeyey kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiya kuxigeenka Guddiga iyo guud ahaan xubnaha Guddigaba guul iyo gudashada waajibaadkooda si hufan oo howlkarnimo leh.

Fuaad Adeer ayaa waxaa kamid noqday xukuumadda cusub ee Puntland, waxaana madaxweyne Deni u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Horseed Media