Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Geeriyooday

Published: August 13, 2021

Alle ha u naxariistee Waxaa Caawa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Cusbitaalka Martiini ku geeriyooday Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Caabuqa Covid19 oo haleelay,kaasi oo Cusbitaalka loo dhigay.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyagoo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida ku timid Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *