Guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka oo geeriyooday  

Published: May 29, 2022

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Cabdullahi Maxamed Cali (Shirwac) oo ahaa guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka ah, kaas maalmihii la soo dhaafay aad u xanuunsanaa.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa, wuxuuna xalay saq-dhexe ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Maanta la filayey in Marxuumka arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa si loola tacaalo xaaladdiisa, balse ay ku timid geeri.

Madax kala duwan iyo qaybaha bulshada ayaa ka tacsiyeysay geerida AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *