Guddoomoyaha Midowga Afrika Moussa Faki oo Booqasho Ku Tegay Muqdisho

Published: March 18, 2017

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda federaalka Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday AMISOM.

Ujeedada booqashada Guddoomiyaha ayaa AMISOM ku sheegtey in uu u kuurgalo xaaladda abaarta iyo saameynta ay yeelatey, hawgalka AMISOM iyo sidii AU ay uga qayb-qaadan lahayd gar-gaarka Soomaaliya.

Waxaa xirnaa subaxnimadii maanta jidka weyn ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada, iyo dhammaan isgoysyada muhimka ah sida Sayidka, Dabka Zoobe, waxaa sidoo kale xirnaa waddada wadnaha ee isku xirta inta badan xaafadaha Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha iyo Guddoomiye Musse Faki ay si wada jir ah saxaafadda ula hadlaan.

Waaa safarkii u horeeyey ee Moussa Faki ku yimaado Soomaaliya tan iyo marki xilka loo doortey bilowgii sanadkan.

Midowga Afrika waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka badan 20 000 oo askeri, waxaana horey loo go’aamiyey in ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2018 oo ay ka harsan tahay wax yar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *