Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyey xiliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad

Published: June 30, 2024
Shares4

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 6-da Bisha Luulyo 2024 uu furmi doono kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Kalfadhiga shanaad ee maalinta sabtiga ah furmi doono ayaa sida dastuurka KMG uu qabo waxaa daah furi doono Madaxweynaha JFS oo khudbad ka hor jeedin doono xildhibaanada laba gole

Horseed Media