Guddoonka cusub ee Golaha Deegaanka Dhuusamareeb oo la caleema saaray

Published: November 23, 2022
Shares16

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) iyo Kuxigeenkiisa Cabdisamad Salaad Aadan ayaa lagu caleema saaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Munaasabadda caleemo-saarka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadani ka dhigan tahay jiheynta dariiqii horumarka iyo weliba helidda adeegyada bulshada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gacan ka helaysa Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Degmooyinka Dowlad Goboleedyada ka hirgelinaysa Goleyaal Deegaan.

Waa markii ugu horreysay oo Dhuusamareeb yeelato Gole Deegaan.

Horseed Media