Guddoonka cusub ee Maxkamadda sare Puntland oo la magacaabay

Published: October 26, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahu Deni ayaa magacaabay Gudoomiyaha iyo Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ee Puntland

Madaxweyne Siciid Deni ayaa dikreeto uu soo saaray Xassan Yuusuf Nuur ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, halka Axmed Sheikh Cumar Xassan  loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Xubnaha kale ee Maxkamadda sare kuwaas oo kala ah:

1. Saciid Axmed Faarax – Garsoore. 

2. Maxamuud Cawad Cumar – Garsoore. 

3. Saciid Maxamuud Maxamed – Garsoore. 

4. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi – Garsoore Kayd ah. 

5. Aadan  Axmed Moxamed – Garsoore Kayd ah  

Horseed Media