Guddoonka Golaha Shacabka oo soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool

Published: January 2, 2023
Shares32

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa ka xorreynta Al-Shabaab. 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman.

Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in  dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab lana gaarsiiyo gargaar deegaannada la xorreeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

Horseed Media