Gudiga isku dhafka amniga Somalia oo Muqdisho ku shiray

Published: February 1, 2012

Guddiga isku dhafka amniga dalka Soomaaliya ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyaga xooga ku saaray kulankooda howlgalada socod iyo dhaqan celinta dhalinyarada kasoo goosata Al Shabaab.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, saraakiisha Amisom, saraakiisha hogaaminaya howgalka Atalanta ee Midowga Europe iyo wakiilo ka kala socda maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Augustine Mahiga oo kulanka ka hadlay ayaa amaanay dadaalka dhinaca milari ee ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gobolada dalka isaga oo ku tilmaamay howlgal lagu sugayo amaanka.

Wuxuu soo hadal qaaday sidi dhaqan celin loogu sameyn lahaa dagaalyahanada kasoo goosta Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay qaabilsanaan doonto howlahooda hey’ada IMO oo iyana qeyb ka aheyd kulanki maanta.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhiga, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in dowlada KMG Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgalada ay ku xaqiijineyso amaanka dalka kuwaasi oo hada maraya meel xasaasi ah.

Kulanki maanta ayaa noqonaya kii 11-aad oo ay yeelanayaan gudiga isku dhafka ah ee amaanka dalka Soomaaliya.

Horseed Media