January 3, 2020
Horseed Staff
Gudigga Farsamada ee loo xilsaaray qabashada Doorashada Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan dadaalada Nabadeed iyo kuwa dib-u-heshiisiineed ee lagu dhisayo maamulka Galmudug sidoo kale lagu qabanayo doorashada Golaha Fulinta iyo sharci dejinta Maamulkaas.
Warqad aya soo-saareen gudigga Farsamadu waxay tilmaameen in ay aqbaleen soona dhawaynayaan Xildhibaanada ay soo magacaabeen Ahlu-sunah waljameeca sidaasna ay uga mid noqonayaa Golaha Wakiilada.
Ahlu-sunah ayaa horay u sheegtay in aysan qaban doonin xubnaheeda sharcigga ay ku xireen gudigga farsamadu xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Horseed Media, 2019