Guddoomiyihii degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim oo qarax lagu dilay

Published: October 11, 2022

Gudodomyihii degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose Sayid Cali Ibraahim ayaa lagu dilay qarax ka dhacay degmadaasi.

Sidoo kale askari kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay Qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogayn maqaayad u dhow bundada degmada Qoryooley

Guddoomiyaha ayaa hoggaaminayey degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in ciidan boolis oo degan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan.

Mas’uuliyiinta Dowlada Soomaaliya ayaa cambaareeyey dilka Gudoomiyaha, Welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Horseed Media