Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweynaha Hir-shabeele oo is-khilaafay, iyo Baarlamaanka oo gudbiyay mooshino iska-soo horjeeda.

Published: April 27, 2020
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeele Sheekh Cusmaan.

Waxaa Habeenimadii xalayto shir jaraa’id qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeele Sheekh Cusmaan Barre waxa uu sheegay in Xildhibaano gaaraya 54 mudane ay usoo gudbiyeen Mooshin ka dhan Madaxweynaha Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare, Gudoomiye Cusmaan waxa uu sheegay in mawshinkaas uu gudoomay uuna dhaqan-gelli doono.

War-saxafadeedkiisa waxa uu sidoo kale ku sheegay in Madaxweyne Waare lagu eedeeyay Musuq-maasuq iyo ku tagri fal awoodeed, Waxa uu tilmaameyn in Madaxweynuhu uu Hir-shabeele ka dhigay Maqaayad uu isaggu leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeele oo Mooshinka labaad gudoomay.

Saacado uun ka dib markii uu warkaan soo baxay waxaa dhankiisa shir kale qabtay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-shabeele Mudane Cabdi Xuseen Geeddi, waxa uu tilmaamey in uu gudoomay Mawshin ay ku saxiixan-yihiin 63 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeele kaas oo ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeele Sheekh Cusmaan Barre.

 Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay dalbadeen in la furo Baarlamaanka, Gudoomiyuhuna waxa uus heegay maadama lagu jiro waqti fasax ah oo loogu talagalay in la cibaadaysto in la eegi doono, sida ugu dhawna loo furi doono.

Madaxweynaha Hirshabeele Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan

Khilaafka Siyasadeed ee Hir-shabeele ayaa mudooyinkaan soo jiitamayay, Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaana si wayn ugu kala aragti duwanaa xil-ka qaadis iyo magacaais uu mudooyinkii danbe samaynayay madaxweynaha xilkiisu sii dhamaanayo ee Hir-shabeele.

Qalalaahasaan siyaasadeed ayaana u eg midkii uu sidaan oo kale ugu baxay Madaxweynihii hore ee Hir-shabeele Cali Cosoble, Gudoomiyaha Baralamaanka ayaa waraaqo kala duwan oo uu soo saaray waxa uu horay ugu sheegay in lagu jirro waqti kala guur ah ayna muhiim tahay in bad-qabka siyaasada iyo xasiloonideeda lagu dadaalo.

Horseed Media. 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *