Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Published: October 7, 2019

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Houmad waxaana soo dhaweeyey dhiggiisa Maxamed Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa goordhow u amba-bixi doona magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel gaarka ah ee KGS oo ay uga qeyb galayaan furitaanka Kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *