Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xaaraan ku tilmaamay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Published: March 16, 2020

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka hadlayay maanta kulanka ka furmay magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan aqbalayn in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay dhacaan iyadoo aysan Puntland ka qeybgalin.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku tilmaamay wax aan sharci ahayn oo aan xaaraan ah wadahadalada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa maamulka Somaliland. Wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samayestaba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Waana sababeynayaa Soomaaliya hadda halka lagu wado waxaa la rabaa oo wadahadallaasi ay rabaan in loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambeyneysaa waa iney ka baxdaa marka qarriiradda taana yeeli meyno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiyuhu.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin wadahadalo aysan Puntland hormuud ka ahayn, sidoo kalena aysan qayb-ka ahayn

“Anigu waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta sare ee dowladda Puntland ka matala gobollada waqooyiga Puntland Sool, Sanaag iyo Ceyn. Ma yeeli doonno wadahadallo aan dowladda Puntland horkaceyn anaguna aan qayb ka ahayn oo dad inta meel la isaga soo uruursado la yiraahdo waa matashaan” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *