Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay arrin hadal-hayn ka dhex dhalisay bulshada

Published: November 3, 2022
Shares4

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay arrin hadal-hayn badan ka dhex dhalisay bulshada, ka dib markii uu horaan shaaciyay inay lacago ku bixinayaan dilka xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Rag katirsan Ciidamada macwisleeyda Gobolka Hiiraan ayaa weerar ku qaaday qoys ku sugnaa degaanka  Abooreey dagmada Bulo-burte ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo dilay mid kamid ah dhalinyarada qoyska mid kalena dhaawacay, kuwaas oo uu dhalay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa 23-kii bishii October abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, ka gadaal markii ay dileen xubno ka tirsanaa maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu amray oo keliya in la dilo Ragga Al-Shabaabka ah ee dagaalamaya iyo kuwooda sirdoonka ah, ayna tahay in sidaasi loo fahmo.

Gudoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in kuwa uu amray in la dilo aanay ka mid ahayn xaasaska iyo carruurta Shabaabka, isla-markaana ay kuwaasi yihiin birimageeddo, ayna tahay in la daryeelo.

Horseed Media