Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood

Published: February 26, 2023
Shares2

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ahaa dadkii lagu duqeynayay Laascaanood ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda Magaaladaadi.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa beeniyey sheegashada Somaliland ee ah in ay la dagaalamayaan Argagixiso, ciidamo Puntland iyo kuwa dawlada Faderaalka, wuxuuna kusifeeyey been abuur iyo war aan waxba ka jirin.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in uu ahaa dagaal huriye, oo uu diiday dadaal kasta oo nabad lagu raadiyey.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa si adag uga hadlay cida uu ku metelo xilika uu ka hayo Somaliland.

“Anigu waxaan metelaa Sool, ma metelo Burco, Hargeysa iyo Gabiley mana ihi nin u shaqeeya sida Wasiir Koore. Xadhig walba oo nabadda lagu xidho waxa furfura Muuse Biixi.” Guddoomiye Cabdirisaq Khaliif.

Gudoomiyaha ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay is difaaceen oo ay ka hortageen weerar bahalnimo oo ay kusoo qaaday Somaliland, isagoo sheegay in dadku xaq u leeyihiin aayahooda iyo katashigeeda aana cidna qabsi karin, laguna guuldareystay damacii guracnaa.

Horseed Media