Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Dalka dib ugu soo laabtay

Published: March 3, 2020

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril iyo wafdi oo uu hogaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Germany-ka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane. Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukumadda, Saraakiil ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka waxayna si wanagsan uga qayb qaateen soo dhoweynta Gudoomiye Cabdirashiid iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Soo dhaweyn kadib Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo qeybta VIP ee Airporka Garoowe kula hadlay warbaahinta ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweyntii balaarneed ee loo sameeyey Isla’markaana waxaa uu Hambalyo u diray Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland ee jooga jiidaha iyo xuduudaha Dalka, khaasatan Ciidamada jooga jiida Gobolada Sool iyo Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyey si wadaniyad leh uga hortagay weerarro gaadmo ah oo uu cadowgu soo maleegay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka dibadiisa uu ku soo dhamaaday Guul.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *