Gudoomiyaha Mudug: ” Xafiiska Gaagaab waa xafiiska hagardaamada ee Mudug” [Dhegeyso]

Published: February 14, 2012

Maamulka gobolka Mudug ayaa si kulul uga hadlay muran ka dhashay xanibaad lagu soo rogey duulimaad uu magaalada Gaalkacayo kaga dhoofi lahaa madaxweynaha 2-aad ee maamulka Khaatumo State of Somalia Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)oo beryihii u danbeeyey magaaladaas ka aloosnaa.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo maanta Saxaafadda shir u qabtay ayaa sheegay in ay jiraan dad u ololeynaya sidii khasab garoonka diyaaradaha looga dhoofin lahaa madaxweyne Biindhe islamarkaana raba inay gobolka dhibaato ka abuuraan.

Wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) isagoo ku tilmaamay inuu yahay shakhsi aan ogoleyn kana soo horjeeda horumarka iyo danta guud ee gobolka.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in imaantinka Biindhe ee magaalada Gaalkacayo uu yahay mid xasiloonida khal khal geliyey, isagoo intaas raaciyey in Cabdibuur Cilmi uu Gaalkacayo u yimid si uu ukala geeyo shacabka walaalaha ah ee labada gobol ee Mudug iyo Cayn.

Dhegeyso codka gudoomiyaha Mudug

[powerpress]

Hadalka Tigey oo aad u kululaa ayaa sidoo kale waxaa ku jirtey in Cabdibuur (Biindhe) uu yahay nin sharciga jebiyey maadaama uu Gaalkacayo kusoo galay weji aan habooneyn isagoo xusay in uu lugta ku xirtay dad mucaarad ah islamar ahaantaana uu garab maray waxgaradka iyo maamulka gobolka isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:

” Biindhe markuu Gaalkacayo yimid intuu maamulka hareer maray ayuu ka dhul bilaabay inuu dadkii mucaaradka ahaa ku xirto , hadii aan si gaar ah u tilmaamo xafiiska Gaagaab oo aan oran karo waa xafiiska hagardaamada iyo caqli xumada gobolka Mudug ”

Shirka jaraa`id ee uu godoomiyaha gobolka Mudug maanta qabtay ayaa yimid kadib markii uu mudo dhowr beri ah magaalada Gaalkacayo ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee maamulka Khatumo Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe) oo loo diidey in uu garoonka Gaalkacayo ka duulo.

 

Horseed Media