Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ergayga Finlad ee arrimaha nabadaynta geeska Afrika kala hadlay abaaraha & dib u heshiisiinta

Published: July 19, 2022
Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ergayga Finlad arrimaha nabadaynta geeska Afrika

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka labada Masuul waxaa looga hadlay kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.

Dowladda Finland ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana dhawaan ay Geeska Afrika u soo magacaabatay Ergay gaar ah, kaas oo ah Soomaali heysta dhalashada dalkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *