Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee…
Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay joojiyaan colaadda isla markaana ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida dalka.
Waxa uu hadalkiisa intaasi si raaciyay in khilaaf walba oo taagan lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul loona turo dadka Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa imaanaya xili ay sii kordheyso xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Horseed Media