Guddoomiye ku-xigeenka 2aad GSH Abshirow oo booqdey dhaawacyadii Qaraxii Marka

Published: July 28, 2022

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay Al Shabaab ka geysteen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha  hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay, islamarkaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *