Gudoomiye waaxeed lagu dilay Degmada Afgooye

Published: December 18, 2022

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ku dilay Gudoomiyihii Waaxda Xaawo Taako ee degmadaasi, Maxamed Xaaji Xasan (Mad Alyow).

Raggan ayaa dilka ka gaystay xaafadda Xaawo Taako, iyadoo dilka ka dibna ay u suurtagashay inay halkaasi ka baxsadaan.

Ciidamada amniga oo goobtaasi gaaray ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen dilka Gudoomiyihii Waaxda Xaawo Taako.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiye Mad Alyow.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase lala xiriirinaya Ururka Al Shabaab.

Horseed Media