Gudoomiye xaafadeed oo caawa Gaalkacayo lagu diley

Published: February 5, 2012

Gudoomiye xaafadeed ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Gudoomiyahan oo lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle ayaa lagu toogtey agagaarka shirkadda Galcom.

Rag hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaana toogtey waxyar kadib xiligii salaada cishaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo gudoomiye u ahaa xaafadda Israac wuxuu sidoo kale ahaa isku dubaridaha howlaglo nabad sugid ah oo ay ciidamo madani ahi xaafadaas ka sameyn jireen.

Ciidamada Booliska ayaa durbadiiba goobta dilku ka dhacay soo gaarey, waxaana socda baaritaano lagu raad goobayo cidii falkaas geystay inkasta oo aan weli cid loo soo qaban.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Gaalkacyo mas`uul xaafadeed lagu dilo, haseyeeshee waxaa 28/8/2011 la toogtey Axmed Cismaan Gaatax oo ahaa gudoomiyihii hore ee xaafadda Israac.

 

Horseed Media